Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ka hadlay dagaalladda Yemen iyo Saldhigga Milliteri ee ay Shiinaha doonayaan

Madaxweyne Ismail Omar Gelle ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Wakaalladda Wararka ee AFP, wuxuuna xusay inay  dagaalladda Yemen saamayn ku yeesheen Deganaanshaha Gacanka Carbeed.

Waxa uu xusay inay xuduudaha Jabuuti u furan yihiin Qaxootiga ka soo cararayo dagaalladda Yemen.

Sidoo kale, waxa uu soo dhaweeyey duqeynta ay Isbahaysiga Yemen ku hayaan Xuutiyiinta, isagoo xusay inay duqeyntaasi lama huraan ahayd.

Madaxweyne Ismail omar Gelle oo 67-jir ah waxa uu ka digay dagaalladda u dhexeeya Shiicadda iyi Suniyiinta ku wada nool dalka Yemen, wuxuuna xusay inay dadka Shiicadda bartilmaameed u noqdeen duqeynta Isbahaysiga Sacuudiga iyo Dagaalamayaasha Alqaacidada Gacanka Carbeed ee AQAB.

Dhinaca kale, waxa uu xusay inay Shiinaha saldhig ka samaysan doonaan Jabuuti, si ay ilaaliyaan Danaha iyo Maraakiibtooda adeegsata Gacan-biyoodka Cadmeed.

Madaxweyne Gelle oo dalka Jabuuti xukumayey muddo 16-sanno ah ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu mar afaraad isku soo taago doorashadda sannadka soo socda ka dhici doono dalkiisa.

 

 

Source:- AFP

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor