Madaxweynaha Cusub ee dalka Iran oo xilka la wareegay

Munaasabad uu Madaxweyne Ibraahim Ra’isi si rasmi ah kula wareegay xilkaasi ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

In ka badan 100 wafdi oo ka kala socday 73 Waddan ayaana lagu casuumay Munaasabadaasi, kuwaasi oo ay ku jireen 11 Madaxweyne, 20 Guddoomiye Barlamaan iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynayaasha dalalka Iraq, Afganistan,Nayjar, Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaa Islaamiga ee XAMAAS iyo Wafdi ka socday Ururka Midowga Europe ayaa ka mid ah Madaxdii ka qeyb gashay Munaasabadaasi oo lagu qabtay Xarunta Barlamaanka Iran ee magaalladda Tehran.

170 Saaxafiyiin ka kala socday Warbaahinada Caalamka iyo kuwa Maxaliga ayaa lagu casuumay Munaasabadda, si ay u tebiyaan Muuqaalka Xafladaasi oo muhiimad gaar ah u lahayd Beesha Caalamka.

Dhanka kale, Madaxweynaha cusub ee Iran, Ibrahim Ra’isi waxa uu xilkaasi kaga guuleystay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xasan Ruuxaani oo muddo 4 sano ah xilkaasi hayey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor