Madaxda Maamul Goboleedyada oo lagu amray in aysan ka bixi karin  Muqdisho

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo  Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta UN-ka ee Xalane.

Shirka oo ku soo aaday saacado kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni, waxaana warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed  ay eedda saareen Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadoda ugu laabtaan, balse xubnaha Beesha Calamka ayaa diideen dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu wargeliyay cidii shirka ka baxda loo aqoonsan doono qaswade.

Dhanka kale wakiilada beesha caalamka ayaa la filayaa inay maanta arkaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayna kala hadlaan arrimaha taagan ee la xariira fashilkii ku yimid hsirkii Afisyooni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor