Madaxda Dalka oo u Hambalyeeyay Ummada Soomaaliyeed

Madaxda Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan Ummada Soomaaliyeed Maalinta Ciidul Fidri oo Dunida Muslimka looga dabaal dagayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Gudooomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cisman Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dadka kula tukaday masjidka Isbaheysiga Ee Muqdisho.

Dhamaan si isku mid ah ayay ugu hambalyeeyen Shacabka Soomaaliyeed Ee ku sugan Dalka iyo Dibada iyo dhamaan ummada Muslimiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor