Guddoomiyaha arimaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka midowga Afrika, Samial Chergui, oo booqasho laba maalin ah ku joogay dalka Burundi ayaa manta la filayaa in uu soo gaba-gabeeyo.
Gudoomiyaha, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Bujumbura kusoo dhoweeyay, saraakiil Midowga Africa ka soocday iyo seddex kamid ah wasiiradda dalka Burundi.
Booqashada ayaa waxaa ay salka ku heysaa, arimo la xiiriira bixitaanka ciidamada Burundi ee soomaaliya, kadib cabasho ay ka keenee dhinaca bixinta mushaaraadka.
Waxaa uu booqday, magaaladda Mpanda cemetery, oo 12 km galbeed kaga beegay caasimadda Bujumbura, halkaasoo lagu aaso askarta howgallka soomaaliya ku geeryoota.
Dowladda Burundi ayaa maanta billowday hanaan ay ciidamadeeda qeybta ka ah Amisom uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya ayada iyo Midowga Yurub.
Mushaharka ciidamada Amisom ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.
Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu sharxo madaxwene, oo bishii July dib loo doortay.
Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay maanta billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.