Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray Xadgudobyo Ciidanka Itoobiya ay ka geysteen Gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Warka kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Itoobiya  inay Gobolka Gedo ay ka wadaan dhibaatooyin kala duwan, isla markaana Ciidanka ay isku hor istaag ay ku sameeyeen Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland xili uu doonayay inuu ka galo Balad-xaawo.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa cadeeyay in kulankii Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Madaxweyne Farmaajo qodoboda looga hadlay ay kamid ahaayeen arrimaha Jubbaland iyo dhibaatooyinka ka dhacaya Gedo.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxda dowladda Itoobiya ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasadda gudaha ee dalka Soomaaliya iyo isjiid-jiidka ka dhexeeya Soomaalida, isla markaana Ciidankooda kala baxaan Gobolka Gedo.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Xisbiyada