Hoggaanka Madasha iyo Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Iska waraystay waxa ka qabsoomay ballamihii lagu kala qaatay kulankii u dambeeyey ee dhexmaray labada dhinac.
Madasha ayaa dedaal badan ku bixineysa soo celinta wadashaqeyntii u dhexeysay labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah hogaanka Madasha Xisbiyada qaran ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyey kulan uu shalay la qaatay Guddoonka Aqalka Sare kaas oo qeyb ka ahaa dedaallada Madasha ee isku keenidda labada Aqalka ee Baarlamaanka.
Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in la sii wado watashiyada lagu raadinayo isfaham la dhexdhigo guddoonka labada Aqalka ee Baarlamaanka.