Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa haatan waxaa uu kulan deg deg ah uga socdaa hotel ku yaalla Garoonka Aadan Cadde.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Go’aankii shalay ay gaareen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo muddo kordhin loogu sameeyay hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in kulanka u socda xubnaha Madasha Badbaado Qaran laga soo saari doono War-murtiyeed ku aadan xaaladda Cakiran ee siyaasadda dalka.
Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegayaan inay dib ugu laaban doonaan deegaanadooda oo muddo ka badan Bil ay ka maqan yihiin.
Kulankan u socda Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo shalay Xildhibaanada ay muddo kordhin laba sanno u sameeyeen Hay’addaha dowladda iyo Farmaajo.