Kadib markii Khilaaf siyaasadeed uu soo kala dhexgalay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka eev Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Agaasimaha guud ee Machadka Heritage ee ka faalooda arrimaha siyaasadda.
Agaasime Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa uu sheegay in xiligaan la joojo dalka uusan u baahneyn dagaal siyaasadeed, isla markaana shacabka Soomaaliyeed 80 % ay yihiin kuwo kunool saboolnimo.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee Machadka Heritage ayaa waxaa uu sheegay in xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo meel hlis ah, waxaana uga digay dowladda iyo Madaxdii hore inay sii wadaan xiisada siyaasadeed ee u dhexeeysa labada dhinac.
“Soomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaan.â€ayuu yiri agaasimaha Cabdirashiid.
Isaga oo sii hadlaayay Agaasimaha guud ee Machadka Heritage ee ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa waxaa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqa inuu noqdo shaqsi muuqaal u ah qaran guuldareystay, uuna ka shaqeeya sidii dalka Soomaaliya u gaari lahaa horumar iyo barwaaqo.
Sidoo kale Agaasime Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa waxaa uu tilmaamay in Farmaajo laga rajeynayay inuu heshiis la gaaro Somaliland, Puntland, Jubbaland, Siyaasiyiinta Muqdisho  iyo Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM.
Ugu dambeyntii Agaasime Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi kula taliyay inuu heshiis la gaaro, Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, sidoo kalena uu xoojiyo dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.