Macalin dugsi iyo Caruurtiisa oo ku geeriyooday Hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Hoobiyeyaal saaka aroorimadii hore ku dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhahay Madaafiicda saaka lagu garaacay dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Dhawaqa Hoobiyeyaasha oo la maqlay Xili lagu jiray Salaadda Subax sidoo kalana dadka qaarkood ay hurdayeen, ayaa waxaa ay ku dhaceen dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Waxaana Hoobiyeyaasha intooda badan lagu garaacay goobo ka ag-dhaw Madaxtooyada Qaran, iyadoo mid ka mid ah Hoobiyeyaaashaasi uu ku habsaday guri ay deganadaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Qosyka uu gurigooda ku dhacay Hoobiyuhu.

Inta la Xaqiijiyay waxaa ku dhinaty Aabihii reerka iyo Wiil iyo gabar uu dhalay halka hooyadii qoyska iyo laba gabdhood oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Madfacaasi uu ku dhacay Gurigooda oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaarahaan xaafadda Buulo Eelaay.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Aweys Maadeey, waxaana Gabadhiisa lagu magacaabi jiray Xaliimo Macalin Aweys Maadeey oo lix jir ahayd iyo Wiil uu dhalay, sidoo kale waxaa dhaawacmay Naciimo Maxamed Cabdi oo dhashay gabadha lix jirka ah ee dhimatay ahaydna Hooyada Reerka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply