Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degmada Bursalax ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku soo qabteen maandooriyeyaasha Khamriga iyo Xashiishka.
Inta uu socday howlgalka Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa lagu qabtay dad la sheegay inay ka Ganacsanayeen Khamriga iyo Xashiishka, kuwaasi oo la geeyay Saldhiga Booliska Bursalax, ayna ku socdaan baaritaano.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maandooriyeyaasha ku gubay goob fagaare ah, isla maraanka sheegay in Laamaha amniga ay ku raad-joogaan dad ka ganacsanayay waxyaabaha maankadooriya, kadib cabasho ay uso gudbiyeen dadka deegaanka.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa Digniin u diray cid kasta oo ku sugan degmada degmada Bursalax ee Gobolka Mudug oo Ganacsata maandooriyeyaasha Khamriga iyo Xashiishka, iyagoona xusay in dadkaas tallaabo laga qaadi doono.
Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigay maandooriyeyaal farabadan iyo qaar kamid ah dadkii ka Ganacsanayay, iyadoona ay xusid mudan tahay in mararka qaarkood ay dhacaan isku horimaad u dhexeeya rag ka Ganacsada maandooriyaha iyo Ciidanka Booliska.