Wararka aynu ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in ciidmada maamulkaasi ay xabsiga dhigeen agaasimhii guud ee isbitaalka magaalada Jowhar Xassan Mahdi Cabdi.
Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in xalay gurigiisa ay ka soo ka xeeyeen agaasimaha, kadibna ay xabsiga u taxaabeen, lamana oga sababaha ka danbeeya xariga Dr Xassan, laakiin waxaa soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in lagu amray in isbitaalka uu xiro, taasna uu ka hor yimid.
Dhinacakale majirto wali cid ka hadashay xariga agaasimaha isbitaalka Jowhar, hasa’ahaate waxaa socda dadaalo iyo wada hadal la doonayo in lagu sii daayo agaasimaha xiran.