Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay la wareegeen guri ku yaalla degmada Xamarjajab, kaasi oo la sheegay in uu noqday xarun lagu abaabulo falal halis ku ah amniga qaranka.
Gurigan oo laheyd Fahma Warsame ayaa sida uu sheegay afhayeenka maamulka, si qarsoodi ah loogu adeegsanayay howlaha amni-darro, waxaana lagu eedeeyay in uu dhowaan noqday goobtii laga fuliyay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Gurigan oo ku yaalla Isgoyska Ceel-gaabta, ayaa ka mid ah meelaha istiraatiijiga ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si joogto ah ay u adeegsadaan masuuliyiinta ugu sareeya ee dowladda federaalka.
Afhayeenka maamulka ayaa intaa ku daray in gurigan hadda kadib loogu adeegi doono danta guud ee shacabka, isagoo xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadgelyada caasimadda.
“Waxaan u taaganahay in aan la dagaallano cid kasta oo carqalad ku ah amniga shacabka iyo madaxda qaranka. Go’aankan wuxuu caddeyn u yahay sida ay naga go’an tahay ilaalinta nabadda,” ayuu yiri afhayeenka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkooda ku aaddan in si buuxda loo ilaalin doono xasiloonida magaalada, iyagoo kaashanaya hay’adaha amniga ee dalka.