Maamulka G/Banaadir oo ka shiray xal u helida saameynta Roobabka

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini ayaa Maanta kulan la qaatay xubnaha Agaasimeyaasha ku shaqada leh nadaafada iyo horumarinta Caasimadda dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray qorshaha horumarinta Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo sidii xalwaaro looga gaari lahaa saameynta uu roobka u geesto bilicda.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintii uu la kulmay in ay dardargaliyaan qorshaha horumarinta magaalada iyo in si hufan loogu qidmeeyo bulshada Caasimada.

Maamulka Gobolka ayaa horey si Cad ugu sheegay in aysan waxba ka qaban karin saameynta roobabka da’a ay ku yeeshaan qoysaska dantayar iyo waddooyinka oo fariistaan biyaha ka hoora roobabka.

Bishii lasoo roobab xoogan oo ka da’ay Caasimadda ayaa samameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka dhowr oo ku yaalla Muqdisho oo ay xireen biyo, wallow markii dadaad dheer, kadib lagu guuleystay in la nadiifiyo, iyadoona qaar kamid waddooyinka ay burbureen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media