Maamulka G/Banaadir oo Digniin u diray Shacabka Magaalada Muqdisho

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlay, kaasi oo xalay lagu qabtay Caasimadda.

Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga dowlada Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan kuwa bixiya Canshuuraha Guryaha.

Ugu dambeyn Shacabka ayaa waxaa loogu baaqay inay ka qeyb noqdaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen bilicdii Caasimadda, isla markaana si wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha Muhiimka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media