Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galleyr oo ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed.
Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowlad Goboleedka ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Cali Khaliif oo ahaa mas’uul taariikh dheer ku leh dalka ayaa Ra’iisal wasaare ka ahaa dawladdii KMG ahayd ee Carta intii u dhaxaysay 8 October 2000 – 28 October 2001, waxaana sidoo kale uu soo qabtay xilal kala duwan oo dawladeed.