Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambalyo u direy Madaxweynaha Cusub Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Daahir Ciid iyo dhamaan xubnaha Cusub ee Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaanada Galmudug.
“Wuxuuna u rajeyey dhamaan xubnaha Cusub ee Galmudug oo ugu horeeyo Madaxweynaha in xilka Culus loo igmaday ay u gutaan si Cadaalad ay ku dheehantahay Bulshada Galmudugna ay u horseedaan Hanaanka Dowladnimo iyo baahinta adeegyada dowlada†ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.
Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Bulshada Reer Galmudug ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub si loo hormariyo Bulshada iyo deegaanka.
Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug waxaa ay u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug.