Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa War kasoo saartay Doorashadii Maanta ka dhacady Magaalada Dhuusamareeb ee lagu doortay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa lagu taageeray Doorashadii Galmudug, isla markaana waxaa uu u hambalyeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Sidoo kale Hirshabeelle ayaa dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu baaqday inay garab istaagaan Madaxda Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug ee Maanta la doortay.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Hirshabeelle.