Maadxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka sare

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa  kulan la yeeshay Guddoomiya Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xubno kale oo ka tirsan Aqalka Sare.

Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Aqalka sare waxaana uu kulan uu la yeeshay sida la sheegay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa uu kala hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana ugu horreeya wax yaabaha uu kala hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Deni oo malmahaan ku sugnaa Muqdisho ayaa wada hadallo iyo sidoo kale kulamo kala duwan waxaa uu la leeyahay mas’uuliyiinta Mucaaradka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media