Lix ruux oo ay Soomaali ku jirto ayaa lagu xiray jaziirada Malta

Booliska jaziirada Malta, ayaa xalay xir xiray lix ruux oo u kala dhashay wadamada, Talyaaniga iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku heleen maandooriyaha nooca Cocaine sida uu daabacay wargeyska the times of Malta.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Booliska ay weeraren, hooy ay joogeen ragaasi, kadib markii ay maalmo u kuurgalayeen.

Booliska ayaa waxaa ay howgalladaasi ay ka sameeyeen sidoo kale goobaha Daroogada  iyo qeybta eeyaha oo ah meelaha ugu badan ee dadka noocaasi ah laga soo qabto.

Dalkan yar ee ku yaala cirifka koonfureed ee Qaarada Yurub, ayaa waxaa jooga soomaali badan oo dalkooda ka cararay sanadkii 1991 waqtigii dagaalada sokeeye ay ka bilawden soomaaliya, waxaana carruurtii lagu dhalay halkaasi iminka ay jiran20 sanno.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor