Saraakiil Somali ah oo dhoolatus Milliteri uga qeyb galaya Sacuudiga

Magaalladda Jidda ee ku taalla Galbeedka dalka Sacuudiga waxaa shalay ka furmay Dhoolatus Milliteri oo dhinaca Badda, oo ay ka qeyb galayaan Ciiddamo ka kala socda dalalka ku xeeran Badda Cas.

Dhoolatuskaasi oo loogu magac daray Hirka Cas ee 1-aad ama (Red Wave 1) waxaa ka qeyb galayo Ciiddamo ka kala socda dalalka Sacuudiga, Sudan, Jabuuti, Masar, Urdun iyo Yemen.

Sidoo kale, Saraakiil ka socda Milliteriga Somalia ayaa la sheegay inay Goobjoog ahaan uga qeyb galayaan Dhoolatuskaasi oo socon doona ilaa maalinta Khamiista ee soo socota.

Taliye ka tirsan Milliteriga Sacuudiga oo  lagu magacaabo  Jeneral Saqar Al-xarbi, ayaa sheegay in hadafka laga leeyahay Tababarkaasi tahay sidii sare loogu qaadi lahaa Ammaanka ee Dowladaha ku xeeran Badda Cas, Ilaalinta Badda Cas, Iskaashiga Milliteriga.

Jeneral Saqar Al-xarbi oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ee Sacuudiga waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Natiijooyinka laga filan karo Carbiska Milliteriga, wuxuuna xusay inay Khubarada Milliteriga ee dalalka Mandiqadda  isku dhaafsan doonaan Khibradahooda ku aadan Difaaca Danaha Dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo sidii loo joogteyn lahaa Carbiska Wadajirka ee dalalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu bishan December 12-dii kulan la yeesho Wasiiro ka kala socday dalalka Mandiqadda, waxayna Aragti ahaan isku raaceen in la dhiso Urur-gobaleed ay ku mideysan yihiin dalalka Badda Cas, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan xaqiijinta Ammaanka Badda Cas, Iskaashiga Dhaqaalaha, Malagashiga iyo Badbaadada Maraakiibta Ganacsiga ee ka gudba Badda Cas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media