Liiska Golaha deegaan Degmo ka tirsan Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo saartay Liiska Golaha deegaanka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in Liiska lasoo Bandhigay ee Golaha deegaanka Diinsoor ay ku heshiiyeen beelaha wada dega degmadaas.

Sidoo kale Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha deegaanka dhawaan lasoo dhisi doono, isla markaana haatan uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee lagu dhisayo Golaha deegaanka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka  kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media