Maleeshiyad hubeysan ayaa xalay deegaano ka tirsan gobolka mudug waxa ay ku dileen laba wiil oo Walaalo ah xili ay ugu galeen Hooygooda oo ku yaala deegaanka Ceel-Waal oo hoostagta degmada Jariiban ee Gobolkaasi Mudug.
Deegaanka uu dilka ka dhacay iyo waliba deegaano u dhow dhow ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxaa ku dagaalamayay laba Maleesho Beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug,iyadoona dagaaladaas ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Maleeshiyaadkii xalay labada wiil ee Walaalo ah ku dilay deegaanka ceel-Waal ee Gobolka Mudug ayaa goobta isaga baxsaday,waxana haatan halkaasi ka taagan xiisad u dhaxeyso labadii Maleeshiyo beeleed oo horay halkaasi ugu dagaalamay.
Waxgaradka ku nool qeybo kamid ah Gobolka Mudug ayaa haatan wada abaabul ku aadan sidii loo qaboojin lahaa dagaaladaas,iyadoona weli aysan ka hadlin Madaxda Maamulada puntland iyo Galmudug.