War goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu dilay xaafada suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in labada askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada iyo kuwa xasilinta lagu toogtay agagaarka Xarunta premier bank ay ku leedahay Xaafada suuqa Bacaad,isla markaana raggii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.
Qof ka mid ah dadka ku ganacsada Xaafada Suuqa Bacaad ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in dilka kadib raggii dilka fuliyey ay goobta ka baxsadeedn,isla markaana ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo haatan baaritaano ka wada halkii uu dilka ka dhacay.
Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolakn Banaadir weli wax faah faahin ah kaba bixin dilka labada askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay Xaafad ka mid ah Magalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com