Laamaha Ammaanka oo gacanta kusoo dhigay Nin Dil geystay

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Caabudwaaq iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas, waxaana laga helayaa howlgalka faah faahino.

Ciidamada Booliska Maamulka ayaa gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay la sheegay inuu qof shacab ah si bareer ah ugu dilay agagaarka deegaan lagu magacaabo Dalsan oo hoostega Caabudwaaq.

Ciidanka ayaa Ninka falka geystay ku xiray Saldhiga Booliska Magaalada Cabudwaaq ee Galgaduud, isla markaana waxaa Saraakiisha Ciidamada Maamulka ay sheegeen in Ninkaas loo gudbin doono Maxkamad.

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey dilal kala duwan loogu geystay dad shacab ah, waxaana dilalkaas geystay rag hubeysan oo Maleeshiyo beeleed oo qaarkood gacanta lagu dhigay.

Gobolka Galgaduul ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal qorsheysan oo la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana intooba badan dagaaladii ka dhacay ka dhashay khasaaro kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor