(LA-YAABKA & SAWIRO):- Wayl Laba-madax leh oo ku dhalatay Hindiya

Mucjisooyinka Rabbaaniga ayaa waxay yihiin kuwo lagu cibaaro qaadan karo Awoodda Ilaahay u abuurayo Naflaha (Dad iyo Duunyo).

Toddobaadkii la soo dhaafay, Tuulladda Pannuganji ee Gobalka Uttar Pradesh ee Waqooyiga dalka Hindiya waxaa ku dhalatay Wayl leh labo madax, balse wadaaga qeybaha kale.

Dad badan oo u dhashay dalka Hindiya oo soo booqday berta ay ku dhalatay Waysha ayaa rumeysan inay tahay arrin mucjiso ah.

Dharam Veer Singh oo 47-jir ah, ayaa ka argagaxay waxay dhashay Lo’diisa, wuxuuna yiri:- “Waxaan horey u maqli jirney sac labo madax leh ayaa dhashay , laakiinse, haatan waa markii ugu horreysay oo aan aragno saceenna oo dhalay weyl labo madax leh”.

Dhakhtar ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn in Qaliin lagu sameeyo Weysha labada madax leh.

Dhaqanka Dadka haysta Diinta Hinduuska waxay caabudaan  lo’da u haystaan, oo aysan u haystaan Ilaahooda, lana qalan Karin.

Qof kasta oo Tuulladda jooga waxa uu soo booqanayaa Waysha oo ay u arkaan wax mucjiso ah.

“Tiro dad oo aad u badan ayaa maalin kasta soo booqda Waysha, oo ay ku oogaan salaadooda” ayuu yiri Milkiilaha Saca dhalay Weyshaasi.

Mar wax laga weydiiyey qaabka ay naaska u jaqaan labada madaxa ee Waysha, waxa uu tilmaamay inuu si talantaali ah u jaqsiiyo naaska hooyadooda.

Waxa uu intaasi ku daray inay labada madax ku loolamaan sidii ay u jaqi lahaayeen naaska.

Waxa kaloo uu tilmaamay  inay dhibaato ka imaanayso koritaanka Weysha labada madax leh, oo aan awoodi Karin inay si caadi ah  istaagaan, ama ay  isku  dheelitirmaan labada madaxa iyo miisaankooda kale.

weyl 3 wayl2

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor