(La-Yaabka & Sawiro):- Ninka ugu cayilan Kolombiya oo si dirqi ah looga saaray qolkiisa!!!

Oscar Vasquez Morales waa 44 jir u dhashay dalka Columbia, waxa la kici la’ yahay cayilnaan xad-dhaaf ah, waana qofka 63-aad ee ugu buuran Caalamka.

Waxay Dhakhaatiirta ku waaniyeen inuu ku dadaalo inuu tago Rug Caafimaad si looga yareeyo miisaankiisa xad-dhaafka ah.

Cayilku cusleeyey waxa uu la mid yahay sidii faras weyn oo kale, waxayna Dhakhaatiirta uga digeen inuu geeriyoon doono haddii uusan daaweyn u imaanin Xarunta Jaamacadda Kolombiya.

20 qof iyo ka badan ayaa isugu tegtay si ay uga soo saaraan guriga uu ka deggan yahay magaalladda Palmira.

Shaqaalaha Dabdamiska iyo shaqaale kale oo ka socday Hay’ad u qaabilsan Wadnaha ayaa iska kaashaday sidii ay uga soo saari lahaayeen guriga uu ku noolaa.

Ninka ugu buuran dalka Kolombiya waxa la filayaa in lagu sameeyo qaliin, si loo kala yareeyo cayilnaanta xad-dhaafka ah.

Waxa uu yiri:- “Haddii ay qoyskayga oo dhan dibedda ugu baxaan si ay u soo lugo baxsadaan, Aniga keligey ayaa jooga, waayo ma awoodi inaan dhaqaaqo, xitaa haddii ay ahaan lahayd in u socdo guryo igu dhow ee ay Walaalahayga deggan yihiin”.

Waxa uu intaasi ku daray marka uu doonayo inuu aado Suuliga inay khasab ku tahay inuu gacan ka helo qoyskiisa.

Labadiisa waalid waxaa la sheegay inay u geeriyoodeen wadno-xanuun, kadib, markii ay ka welweleen dhibaatadda cayilka ee wiilkooda haysata.

FAT3 FAT 11

WQ. Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor