(LA-YAABKA & SAWIRO): Haweeney 70 jir ku dhashay ilmaheedii Koowaad.

Subxaana Laahi, Awlaadda waa Hidaayo Rabbi ugu deeqo Ummadiisa, loona baahan yahay in Ilaahay  looga mahadceliyo Hidaayadaasi iyo Nicmadaasi.

Haddaba, Haweeney u dhalatay dalka Hindiya ayaa waxay ilmihii curudka u ahaa ku dhashay iyadoo 70 jir ah.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Daljinder Kaur waxay bishii hore ee April dhashay Wiil, kadib, markii dadaal xooggan loo geliyo sidii ay u dhali lahayd.

Haweeneydaasi oo u dhaxda Oday 79 jir waxay muddo labo sanno daaweyn u tegi jirtey Rug Caafimaad oo u xil-saaran Bacriminta oo ku taalla Gobalka Haryana ee Waqooyiga dalka Hindiya.

Khubarada waxay minada Odaygeeda ku tallaaleen minka haweenka, si loogu bacrimiyo Ugxaanteeda, taasi oo Qadarta Alle lagu guuleystay inay Haweeneyda dhasho ilmihii ugu horreeyey, ee ay weligeeda Hooyo ku noqotay.

Lammaanahan da’da oo is-qabay muddo 46 sanno waxaa muddo dheer ka luntay Rajo ay ilmo ku dhali doonaan, balse waxay haatan noqday Qoys Faraxsan oo uu Rabbi ka dhex abuuray Ubad.

Xaaskiisa Umusha ah ee Daljinder Kaur oo iyadoo joogta gurigeeda oo ku yaalla Degmadda Amritsar la hadashay Wakaalladda Wararka ee AFP waxay sheegtay inuu Rabbi maqlay salaadooda, isla markaana ay haatan dareemayso Nolol dhamaystiran.

“Waxaan dhowrtaa ilmahayga, waxaana aad u dareemayaa Tamar buuxda. Ninkayga, Mohinder Singh Gill, wuxuu  inta karaankiisa ah iga taageera Hawsha” ayey tiri Hooyaddaasi.

Image result for Indian woman gives birth at 70 with help of IVFWiilka yar ee u dhashay qoyskaasi oo  loogu magac daray Armaan waxa uu culayskiisu ahaa 2 Kiilo, markii uu bishii hore ee April 19-dii ku dhashay Xarunta Bacriminta Qaranka “The National Fertility and Test Tube centre” oo ku taalla Gobalka Haryana ee Waqooyiga dalka Hindiya.

Ma aha markii ugu horreysay oo Haween da’ ah Nidaamka Bacriminta ku dhalaan ilmo dalka Hindiya.

Sannadkii 2008-dii, haweeney Hindi oo 72 jir ah kuna nool Gobalka Uttar Paradesh ayaa la sheegay in labo carruur ku dhashay Nidaamka Bacriminta.

Sidoo kale, Bishii June ee sannadkii 2010-kii, Haweeney 66 jir ayaa noqotay Hooyadii ugu da’da weynayd ee hal mar dhasha saddex carruur oo mataano.

Haweenydaasi oo lagu magacaabo Bhateri Devi waxay dhashay 2 wiil iyo gabar, kuwaasi oo uu miisaankooda aad u yaraa, iyadoo in muddo ah lagu korinayey Qeybta Daryeelka Degdegga ee Isbitaalka.

66 JIR SADDEX ILMO DHASHAYmataano 66

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor