Nin u dhashay dalka Venezuela oo loo aqoonsan yahay inuu yahay ninka ugu cagaha weyn Caalamka ayaa waxaa shalay la gaarsiiyey dhowr joog oo Kabo ah, kuwaasi oo uu haddiyad ahaan ugu soo diray Kabo-tole u dhashay dalka Jarmalka.
Caga-weynaha Caalamka oo lagu magacaabo Jeison Rodriguez waxaa shalay (Arbaco) la gaarsiiyey 4 joog oo kabo ah, kuwaasi oo uu ugu soo deeqay Kabo-tole Georg Wessels oo u dhashay dalka Jarmalka, kaasi oo khibrad u leh samaynta kabaha aan cabirka caadiga ahayn, oo ay ku jiraan Kabo Kooyaha, Buutka, Sanadalka iyo Kabaha furan.
Jeison Rodriguez waa caga-weynaha Caalamka iyo Ninka ugu dheer dalka Venezuela, sida lagu qoray Buugga lagu qoro Waxyaabaha La-yaabka leh ee Caalamka ee lagu magacaabo “The Guinness Book of World”.
Jeison Rodriguez cagtiisa midig waxa uu dhererkeedu dhan yahay 15.8 inches, halka cagtiisa bidixna cabirkeedu yahay 15.6 inches.
Sidoo kale, Jeison Rodriguez waxa uu yahay ninka ugu dheer dalkiisa hooyo (Venezuela), wuxuuna dhererkiisu yahay 7 ft iyo 3 inch oo la mid ah 2 meter iyo 21 centimeter.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan