Arun Raikwar oo 37 jir ayaa lagu naanaysaa Ninkii Magnetka ama bir-qabataha ahaa “ A Magnetic manâ€, wuxuuna jirkiisa awood u leeyahay inuu wixii bir ah ee loo dhaweeyo  xajiyo, ama ku dheg, iyadoo ay adag tahay inay si sahal ah kaga fuqaan.
Ninkaasi waxa uu jirkiisa la saaray masaamiir iyo macalgado (qaadooyin), kuwaasi oo aan jirkiisa ka soo daanin.
Waxa uu rumeysan yahay inuu jirkiisa leeyahay Mowjado Khaas ah “Special Wavesâ€, oo jirkiisa ka dhigayso inuu dareemo awoodda magnetka ama bir-qabatada.
Inta badan awoodda birlabta oo kale waxa uu xoog uga dareeemaa Laabtsa, Caloosha iyo Dhabarka, waa sida uu sheegtay.
Arun Raikwar waxa uu La-tashi la sameeyey Dhakhtar jooga Isbitaal Maxali ah, si uu u hubo jirkiisa, waxaana loo sheegay inaysan jirin wax ka qaldan Jirkiisa.
Arun Raikwar waxa uu sheegay inuu doonayo inii noqdo qof caadi ah, isla markaana uu caloolyow dareemo xaalladda uu dareemayo.
Balse, waxa uu naftiisa ku qanciyaa inuu doonayo inuu mar arko isaga lagu qoro Diiwaanka Buuggaagta lagu qoro Waxyaabaha ugu La-yaabka badan Caalamka iyo inay carruurtiisa kan ugu weyn ee uu maalin arki doono.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan