C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ah la-taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacbaka marna soo noqday taliye kuxigeenka NISA ayaa su’aal waxa uu ka keenay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa shalay soo saaray Warqad uu ka kala diray Guddigii Maaliyadda Golaha Shacbaka,hayeeshee kala diristaas ay dood badan dhalisay.
la-taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in kala dirista Guddiga Maaliyadda ay tahay mid aan waafaqsaneyn Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka,kadib qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.
“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisaâ€ayuu yiri La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur.
Weli lama oga Go’aanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan oo hwolo u gaar ah dibada ugu maqan,waxana Warkaan ka soo baxay la-taliyaha  Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu abuurayaa xiisad Cuusb oo ka dhex dhalata Xildhibaanada Golaha Shacabka.