Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabelle  ayaa Maaanta Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi ku qabtay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad.
Guddiga ayaa qabtay doorashada labo kursi oo horay ay u shaaciyeen doorashadooda, waxaana ku tartamay Musharixiin kala duwan oo u taagnaa labada Kursi ee loo adalsanaa doorashadooda.
Kusiga koobaad ee tirsiigiisu yahay Hope070 ayaa waxaa ku guulaystay Cabdirahman Maxamed Sheekh waxaana uu helay 71 cod, halka Murashaxii la tartamayay Maxamud Cali Bariiise uu helay 14 cod, iyadoo ay hallaabeen 13 cod, wadarta guud ee soo xaadirtay na waxaa ay aahyd 98 qof.
Kursiga kale ee tirsigiisu yahay HOP#115, ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta ku kala ah,Cali Maxamed Cumar iyo  Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw. Iyadoo Musharax Xildhibaan Mulki Cabdullahi Islaaw ay ka tanaasushay tartanka Doorashada.
Musharax Cali Maxamed Cumar ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 87 Ergay, waxa uuna helay 86 cod halka 1 qof uu Codkiisa u diiday.
Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#115 Cali Maxamed Cumar.