Senatarada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu waday in kulankii saddexaad ee Kal-fadhiga 7-aad ee Golaha ku yeeshaan Xaruntooda Muqdisho, hayeeshee waa uu baaqday.
Ajendaha kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu ahaa Ansixinta xubin Cusub oo ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo horey u soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare ee dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in kulankii Maanta uu u baaqday kooram la’aan, iyagoo ku eedeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya inay fara-gelisan ku sameeysay kulanka.
Waxaa ay sheegeen in kulankii baaqday la doonayay in lagu qabto aalada ZOOM-ka iyada oo inta badan Senatarada ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, isla markaana arrintaas ay kasoo horjeesteen in ZOOM lagu qabto kulanka.
Waa markii labaad uu kulanka Golaha Aqalka Sare u baaqdo Khilaaf ka dhashay in kulanka lagu qabto Aalada ZOOM-ka, waxaana xubno ka tirsan Golaha Aqalka ay sheegeen inay sharci darro ay tahay in kulanka lagu qabto Aalada ZOOM-ka.