15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay berrito oo Khamiis ah Kulan Khaah ah ku yeeshaan Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York,
Ilo Diplomaasiyadeed ayaa u sheegay Radio Dalsan in Kulankaasi looga hadli doono Xaalladda Ammaanka iyo Macluusha ee Somalia iyo Xiisadda dalka South Sudan.
Golaha Ammaanka ee QM waxay Warbixino ka dhegeysan doonaan Xoghayaha Guud ee QM, António Manuel de Oliveira Guterres iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson, kuwaasi oo bishan March 7-dii iyo 15-da si kala gooni ah Booqasho Hawleed ku yimid Somalia, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo Baydhabo.
Boris Johnson ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo Xaalladda Ammaanka iyo Macluusha ka jirta Somalia, wuxuu kaloo sharxi doona Doorka Dowladda Britain ee Arrimaha Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Somalia.
Dowladda Britain oo ka mid ah Dowladaha taageeradda ugu badan siiya Dowladda Federalka iyo Hawlgalka Somalia ayaa la filayaa inay bisha May ee soo socota qabanqaabiso Shirweyne Caalami oo looga hadli doono Taageeradda Dowladda Somalia ee Arrimaha Ammaanka iyo Adeegyadda Bulshadda.
©Radio Dalsan
Â