Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Kulanka xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,waxana shir guddoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
174 Xildhibaan ayaa goobjoog ah kulanka,iyada oo weli ay socoto doodii ku saabsaneyd xeer hoosadka Baarlamaanka ablse la filayo in Maanta la soo gaba gabeeyo.
Kulanka Maanta waxaa sidoo kaleka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.
Amaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyey,waxana dooda Maanta ay tahay mid xasaasi ah.