Magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga uu degan yahay Sheekh Shariif ayaa waxaa haatan kulan xasaasi ah uu uga socdaa Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Axmed ,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka dalka iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada dalka.
Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo arrintii Maanta lagu xanibay Sheekh Shariif xili uu doonayay in uu u duulo Magaalada Kismaayo,hayeeshee loo diiday safarkaas oo la celiyay diyaaradii Kismaayo u qaadi laheyd.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasadda Soomaaliya,waxaana arrintaas iska xog-wareysanaya Mas’uuliyiinta uu kulanka haatan uga socdo Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa la sheegay in dowlada Soomaaliya Ergo u soo dirtay Sheekh Shariif si loo xaliyo dhacdadii lagu xayirday diyaaradii Kismaayo u qaadi lahyed Shariif,waxaana Ergada hogaaminayay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Intaasi kadib ayaa kulan gaar ah waxaa uu dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shekh Shariif iyo Wasiir Islow,waxaana kulankas uu ahaa mid lagu raali gelinayo Shariif.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kulankaas laga soo saaray,balse wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda dowlada Federaalka Soomaaliya ay war kasoo saari doono.