Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulan xasaasi ku yeeshay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Wasiiradaan oo ka qeybgalay shirkii wadatashiga Puntland ee lagusoo gabagabeeyay halkaas ayaa kulamo Kala duwan oo looga hadlayay khilaafka dowladda iyo maamulka Puntland la qaatay madaxweynaha maamulkaas iyada oo kulamada qaarna ay saacado badan ay qaateen.
Wadahadalada ayaa waxaa markii dambe kusoo biiray waxgarad isimo iyo culamaa’uudiin iyada oo xubnaha golaha wasiirada la sheegay in ay uga soo horjeeden qodobada kasoo baxay shirkii magaalada Garoowe ee ahaa wadatashiga Puntland.
Xubnaha golaha wasiirada ee wadahadalada la yeeshay madaxweynaha Puntland ayaa hor boodayay Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawod,waxaana warar soobaxaya ay sheegayaan in saacadaha soo socda lasoo saari doono War-saxaafadeed lagu qeexayo in uu jiro Isku soo dhawaasho labada dhinac ah iyo in dib loogu laabto qodobada qaar ee shirka wadatashiga puntland