Kulan looga hadlay Amniga Magaalada Baladweyne oo la qabtay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Kulanka ayaa intii uu socda waxaa lagu la faguray dardar gelinta howlgalada lagu sugayo ammaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku bogaadiyay laamaha amniga magaalada Baladweyne, sida ay uga shaqeynayaan sugida amniga iyo isdhex galka Bulshada.

Wasiir Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baladweyne, isagoo halkaas ka waday dadaalo lagu xalinayo tabashooyinka ka dhashay doorashadii ka dhacady Jowhar ee uu kusoo baxay Cali Guudlaawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media