Kulan looga hadlay Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah oo saabsan horumarrinta Amniga Caasimadda la qaatay Taliyaasha  Qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Nabad Sugida G/le Sare Mahdi Cumar Mumin (Macalin Mahdi) iyo Gaashaanle Muxiyadiin Warbac.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargalin sugida Nabadgalyada Caasimadda, gaar ahaan xoojinta howlgalada ka dhanka ah Alshabaab iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geysta bulshada.

Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yabooh ayaa ku amaanay Ciidamada Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida Amniga Magaalada iyo badbaadinta shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor