Kulan looga hadlaayay Ammaanka oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ka qeyb galay kulan lagu xoojinayay Nabadgelyada magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada hoos yimaada oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen labada Maamul ee heer Degmo ee Galmudug iyo Puntland.

Kulanka ayaa ka qeyb galay sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, Odayaal Dhaqameed iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana diiradda lagu saaray xal ka gaarista aanooyinkii qabiil ee ugu dambeeyay iyo xoojinta Nabadda guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in aan cidna laga yeeli doonin carqaladaynta Nabadda Gobalka Mudug, loona baahanyahay in si wadajir ah loo ilaashado.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo labada dhinac ee Koonfurta iyo waqooyi ay ka maamulan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor