Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ku sugan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle kuwas oo xal u raadinaya sidii loo qaboojin lahaa dagaal Beeleedyadii ka dhacay Galbeedka Magalada Baladweyne kaas oo u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo wada dega Magaalada Baladweyne.
Xildhibaanada iyo Wasiirada ayaa waxaa ay kulamo gooni Gooni ah la leeyihiin Odayaasha dhaqanka Beelihii ku dagaalmay Galbeedka Baladweyne, waxaana Wararkii ugu dambeeyay ay sheegayan in xaladu ay tahay iminka mid la iskusoo dhawaaday islamarkaana la rajeynayo in dagaaladaas xal buuxa laga o sida uu inoo sheegay mid kamid ah Odayasha wan wanta ka dhexwada Maleeshiyaadka dagaalamy.
Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa saacadihii la soo dhaafay degan waxaana wasiirka Dastuurka Maamulka hir-Shabeelle oo la hadlay Dalsan uu sheegay in ay ku guuleesteen in ay xabad joojin kala dhex dhigaan Maleeshiyaadkii dagaalmay.