Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa loo magacaabay maareeye ku xigeenka Deked Muqdisho, kadib wareegto ka soo baxdayรย xafiiska ra’isu wasaaraha Soomaaliya.
Diiriye ayaa xilka ku xigeenka goboka Banaadir wareejiyey 24-kii bishii hore, kaasi oo lagu badalayรย Saalax Sheikh Maxamed, kadib isbadal lagu sameeyey ku xigeenada iyo xoghayihii gobolka.
Ra’islu wasaare Kheyre ayaa dhawaan Dekeda Muqdisho u magacaabay Maareeye cusub,kaasi oo lagu magacabo Axmed Washington, waaxaana uu bedelay C/llaahi Cali Nuur oo in muddo soo hayey xilkaas.