Ku-simaha Madaxweynaha Somalia oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta  kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jooga Muqdisho Larry Andrè.

Kulanka  inta uu socday ayaa waxaa looga wada hadlay guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka.

Danjiraha dalka Mareykanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay .

Gunaanadka kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaanay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ay la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taageeradii shirkii dib u heshiisinta KGS iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply