Ku dhowaad 40 Ruux oo Ku Sumoobay Caano ay Cabeen deegaan ka tirsan G/Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya  deegaanka  Xanan-buure oo ka tirsan Gobolka Galgaduud Dhanka Waqooyina ka xigta Caasimada Galmudug ee Dhusamareb ayaa waxa ay sheegayaan in Halkaasi ay ku Sumoobeen in ka badan 35 Qofood ku waasoo isugu jira Rag, Haween iyo Carruur .

Dadka ayaa waxa ay ku sumoobeen Caano ay Cabeen xilli ay ku sugnaayeen Goob uu ka jiray alle Bari ama duco,sida ay sheegeen maamulka deegaanka Xanan-buure.

Xogo hor dhac ah ayaa sheegaya in Dadkaasi ku Sumoobeen Caano ay ka cabeen Goob lagu dhigayey Alla-bari ama Zab .

Gudoomiyaha Xanan-buure Cali Xaashi Faarax ayaa waxa u sheegay in dadka qaarkood xaaladooda caafimaad ay aad u liito,isla markaana ay  u baahan yihiin Gurmad Caafimaad oo deg deg ah.

Dhinaca kale deegaanka Xanan-buure ayaa waxaa gaarey Dhaqaatiir ka baxday degmada dhuusamareeb si ay gurmad Caafimaad ugu fidiyaan dadkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor