Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in dab la qabadsiiyey Xarunta Dowladda Hoose ee magaallo ku taalla Waqooyiga dalkaasi, kadib, markii ay iska hor yimaadeen Boliska iyo Dibadbaxayaal ka caraysan 3 qof oo shalay lagu fuliyey Xukun Dil ahaa.
Boqolaal Dibadbaxayaal ayaa dhigay Mudaaharaad ay kaga soo horjeeda dilka 3 nin oo ka soo jeeda Muslimiinta Shiicadda ee u badan dalkaasi, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ka dambeeyeen qarax sannadkii 2014-kii lagu dilay 3 Askari oo uu ku jiray Sarkaal Bolis oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.
©Radio Dalsan