Kooxo hubeysan oo mid kamida Dalalka Afrika ka Afduubtay Gabar Soomaali ah

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan oo ka kooban illaa 5 ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dukaan ku yaalla deegaanka Delft ee hoostaga magaalada Cape Town , isla markaana ay lasoo baxeen Gabar yar, xilli aabaheed uu gaari ka dajinayay adeeg loo keenay dukaanka.

Afhayeenka Booliska gobolka western  Cape Ndakhe Gwala oo la hadlay warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaaliyeed ay ka war heleen ayna ku mashquulsan yihiin baaritaankiisa.

Inkasto aan si rasmi ah loo shaacin magaca gabadha Soomaaliyeed ee la afduubtay, hadane waxaa la sheegay in ay magalada Cape town ku sugneyd sadax bilood oo kali.

Falalka Afduubka ah ee dalka ka dhaca waqtiyadan dambe ayaa u muuqda mid saameeyn kusii yeelanaya Soomaalida degan dalka Koonfur afrika iyadoo dhowr jeer ee hore la diwaan galiyay dhacdooyin afduub ah oo soomaali loogu geeystay

Kooxaha afduubka geysta ayaa caadiyan lacago madax furasha ah weydiya ehelada qofka ay afduubtan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor