Wararka naga soo gaaraya Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in rag hubeysan ay duleedka degmadaas ku dileen Nin Caanka ahaa Magaaladaas.
Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka,waxana Magaca Ninka la dilay Goobjoogayaal ku sheegeen Maangoow.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dilkaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,isla markaana Ninka la dilay uu la Shaqeyn jiray Ciidamada AMISOM ee xerada ku leh Deegaanka Ceeljaale.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka kuwa AMISOM iyo Maamulka degmada Marka intaba weli kama hadlin dilkaas deegaanka ceeljaale loogu geystay Ninka la Shaqeyn jiray Ciidamada AMISOM.