Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyey shirka Gollaha amniga ee Maamulka oo todobaadkan ay ka qeybgaleen Taliyaha qeybta sedaxaad Ciidanka AMISOM, Sarakiil ka socday dowlada Ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga.
Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur Galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale loo geysto shacabka ku nool Gobolda deegaanada Maamulka
Qar kamid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa u mahadceliyey Sarakiisha laamaha amniga, isaga oo ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibaadkooda.
Madaxweynuhu waxaa kaloo uu ku dhiirri-geliyey saaxibada Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo hormarada dowlad Goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka.