• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Khudbadda Agaasimaha Guud ee  Radio Dalsan ee Munaasabadda Sannad-guuradda 4-aad ee Asaaska Radio Dalsan

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 2, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

ASCWW, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan ku faraxsanahay inaad maanta nala wadaagtaan Munaasabadda Qiimaha leh ee loogu dabaal degayo Sannad-guuradda 4-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Radio Dalsan.

Bishii April 2-dii ee sannadkii 2012-kii ayaa la asaasay Shabakadda Dalsan Media Network, oo ay Idaacadda Radio Dalsan udub-dhexaadka Koowad u tahay.

Taabagelinta Asaaska Idaacadda Dalsan waxa laga soo maray Marxallad Adag, waxayna Tartan la gashay Idaacadihii ka horreeyey, waxayna Idaacadda haatan ka mid tahay Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee safka hore kaga jira Horumarinta Saxaafadda Somalia.

Mudanayaal/Marwooyin, Radio Dalsan waxa laga dhegeystaa Goballadda Somalia iyo Caalamka oo idil, waxay Hawada ku jirtaa 18 saacadoo habeen iyo maalin, waxaana Istuudiyaal FM ku rakibnay magaallooyinka Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado.

Waxaa kale oo Idaacadda laga dhegeystaa Dayax-gacmeedka Satellite-ka iyo Warbaahinadda kale ee ay Bulshadda ku wada xiriiraan, sida Twitterka iyo Facebook.

Macaamil ballaaran ayey Radio Dalsan ku yeelatay Caalamka, waxaana Cilmi-baaristii ugu dambeysay ee aynu ku qiimeeynay Heerka Dhegeystayaasha Radio Dalsan, waxaa inoo soo baxay inay Dhegeystayaal tiradoodu u dhexeyso 3 ilaa 4 million oo qof si toos ah ugu xiran yihiin Dhegeysiga Dalsan Media iyo Websaytka Idaacadda ee cinwaankiisu yahay www.radiodalsan.com

Waxaa kaloo jirta in Radio Dalsan si toos ah looga dhegeysan karo Telefoonadda Mobile-adda, iyadoo Dhegeystayaal ku nool Maraykanka iyo Britain ku caana-maaleen Hab-dhegeysiga Radio Dalsan.

Mudanayaal/Marwooyin, Waxaa lagu guuleystay Hadafka laga lahaa Asaaska Idaacadda ee ahaa inay Ummadda ka haqabtiraan Akhbaaraadka Gudaha iyo Dibedda iyo Barnaamijyadda ku salaysan Nabadaynta, Dib-u-heshiisiinta iyo Wacyi-gelinta Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo lagu guuleystay inay Idaacadda albaabadda u furto inay rafiiq la noqdaan dhamaan Qeybaha Bulshadda, sida Mas’uuliyiinta Qaranka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Dhallinyarada, Haweenka iyo in fursado la siiyo Dadka aan Codka lahayn si loo maqlo Bareerahooda ku aadan Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta.

Radio Dalsan waxa kale oo uu fursado siiyaa Barakacayaasha iyo Dadka ku dhibaataysan Somalia ee doonaya in laga caawiyo Marxalladaha Caafimaadka iyo Nololeed ee ay ku nool yihiin.

Mudanayaal/Marwooyin, Madaxda Warbaahinta Dalsan Media waxaa u qorsheysan in Telefishin casri ah lagu soo kordhiyo Hawlaha Dalsan Media Insha Allaahu, waxaana la rajeynayaa inuu Telefishinka hawlgalo ka inta aan la gaarin Sannad-guuradda soo socota ee Aasaaska Radio Dalsan.

Waxaa kale Jadwalka Qorshe-hawleedka noogu jira in Radio Dalsan laga dhegeysto Mobile-adda Apple, iyadoo lagu salaynayo Barnaamijyadda Apple Store.

Mudanayaal/Marwooyin, Radio Dalsan waxay diyaarinaysaa Barnaamijyo Khaas u ah Doorashooyinka dalkeenna ka dhici doonta dabayaaqadda sannadkan, waxayna Musharixiinta Madaxtinimadda si siman ula wadaagi doonaan Radio Dalsan Qorshahooda Musharxnimo iyo Ajendayaasha Siyaasadda, Nabadda, Bulshadda iyo Horumarka ee ay dalka ku hagi doonaan haddii ay ku guuleystaan Doorashadda.

Hadafka asaasiga ee Radio Dalsan ayaa ah Dhexdhexaadnimo, dhowrista Xorriyadda Hadalka, Xuquuqda Aadanaha, Wacyi-gelinta Bulshadda, Taageeridda Nabaddaynta, Dib-u-heshiisiinta iyo Horumarinta Danaha Dadka iyo Dalka Somalia.

Mudanayaal/Marwooyin ugu dambeyntii, Radio Dalsan waxaa ka hawlgala Shaqaale Xirfadley ah oo wax badan ku soo kordhiyey Tayadda Idaacadda iyo qancinta Macaamiisha la saan-qaada Radio Dalsan.

Mudanayaal/Marwooyin waa ku mahadsan tahay sida aad noola wadaagaysaan Farxadda Sannad-guuraddii 4-aad ee Radio Dalsan, Hambalyo-Hambalyo.

©Radio Dalsan

Previous Post

Qiimeynta Dhegeystayaasha Radio Dalsan iyo Xiiseynta Barnaamijyadda.

Next Post

Madaxweynaha Dowladda Federalka oo Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan la wadaagay Farxadda 4-guuradii Asaaska Warbaahinta Dalsan Media

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post

Madaxweynaha Dowladda Federalka oo Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan la wadaagay Farxadda 4-guuradii Asaaska Warbaahinta Dalsan Media

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00