Kheyre “Wixii dhacay sharci darro ayay ahaayeen waxaana go’aansaday in aan is Casilo”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa aqbalay kalsoonidii ay shalay kala noqdeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyo si uu tusaale fiican ugu noqdo ummadda Soomaaliyeed, si uusan uga dhicin Khalalaaso siyaasadeed.

Kheyre ayaa wixii shalay ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ku tilmaamay inay ahaayeen wax sharci darro ah, xilka qaadistiisa ayuu xusay in aan loo marin hab sharci oo Dastuurka dalka u yaalla waafaqsan.

“Aniga oo og In waxii golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In  xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka  iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed,  mid dhaqaale, amni iyo bulsho” ayuu yiri RW hore ee dalka Kheyre.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu u mahadceliyay
Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo oo uu xusay inuu fursad u siiyey inuu u adeego Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kalena u mahad celiyey Xukuumadiisa, saaxiibada Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shacabka ka codsaday
inay cafiyaan haddii uu qalad ka dhacay inta uu haayay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, isagoo sheegay in muddii uu xilka haayay uu wax badan ka qabtay dalka.

Si kastaba Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda loo Mahacaabay 23-kii bishii Feberaayo ee sanadkii 2017, waxaana  Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Codka kalsoonida siiyeen 1-dii bishii Mach 2017.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media